Maamulka Real Madrid ayaa la sheegay in ay diyaar u yihiin inay dhageystaan dalabyada kaga imanaya xiddiga reer France, Aurélien Tchouaméni, kadib markii uu lumiyay kalsoonidii ay ku qabeen.
Tchouaméni, oo ugu soo biiray Real sanadkii 2022 lacag dhan 80 milyan oo euro, ayaa si cajiib ah ku billowday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Real Madrid, laakiin heerkiisa ciyaareed ayaa hoos u dhacay xilli ciyaareedkii hore iyo ilaa kan hadda.
Shabakadda “Relevo” ayaa soo warisay in maamulka Real Madrid ay aaminsan yihiin in Tchouaméni uu sabab u yahay guuldaradii weynayd ee kooxda ka soo gaadhay Barcelona, taas oo ahayd 4-0, taasoo keentay in kooxdu ay lumiso kalsoonida xiddigan.
Tchouaméni, oo ah 24 jir, ayaa la sheegay in laga yaabo inuu waayo fursad uu ku sii joogo kooxda haddii uu dalab fiican kaga yimaado kooxo kale, sida Liverpool, oo xiisaynaysa saxiixiisa. Maamulka Real Madrid ayaa sidoo kale aaminsan in haddii dalab la helo oo ku habboon, aysan ka labalabeyn doonin inay iibiso Tchouaméni si ay u xoojiyaan qaybaha kale ee kooxda.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Spain, Tchouaméni wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda muhiimka ah ee la filayo inay ka tagaan kooxda xagaaga soo socda haddii xaaladdu aysan isbedelin.