Real Madrid oo aan xiiso u qabin xiddiga ku guuleystay Ballon d’Or inkastoo uu doonayo inuu ku biiro kooxda.
Rodri ayaa xalay noqday mowduuc kulul oo lagu falanqeeyay gudaha Real Madrid kadib markii uu qirtay inuu diyaar u yahay inuu u ciyaaro Los Blancos.
Bishii hore, Rodri ayaa si degdeg ah uga dhigay taageerayaasha Real Madrid kuwo neceb kadib markii uu ka qaaday Vinicius Junior abaalmarinta Ballon d’Or.
Kadib, khadka dhexe ee Manchester City ayaa dhaliilay dabeecadda Vinicius, taas oo keentay in xiddiga reer Brazil uu helo taageero ka timid xiddigii hore ee Barcelona, Neymar.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa xiiso yeelatay markii Rodri uu sidoo kale qirtay inuu doonayo inuu u ciyaaro Real Madrid.
Inkastoo Rodri uu doonayo inuu ku biiro Real Madrid, waxay u muuqataa in kooxda aysan aad ugu faraxsaneyn inay la soo wareegaan xiddiga xulka Spain.
Sida laga soo xigtay MARCA, helitaanka adeega khadka dhexe ee Manchester City ma ahan qayb ka mid ah qorshaha Real Madrid mustaqbalka dhow.
Waxay u muuqataa in qaab ciyaareedka Rodri uusan soo jiidan Real Madrid, maadaama aysan kooxda u arkin mid macquul ah inay qarash badan ku bixiso xiddiga weyn ee City.
Tani waxay dhacday markuu xiddiga ku garaacay abaalmarinta Ballon dO’r ka Vinicius jr.inkastoo Rodri loo arko mid ka mid ah khadadka dhexe ee ugu wanaagsan adduunka, haddana Real ayaa u aragta mid ayaga xifaaltan kula jira.