Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Alexis Mac Allister ayaa diirada u saaran kooxda Real Madrid.
Laakiin kooxda reer Spain waxay isku diyaarineysaa inay xiddiga reer Argentina la wareegto sannadka danbe sida ay qortay jariirada The Sun.
Wararka Argentina ka imaanaya ayaa sheegaya in durba uu xiriir dhexmaray Real Madrid iyo Liverpool laakiin weli dalab rasmi ah ma aysan helin kooxda Anfield ka dhiosan.
Kooxda reer Spain ayaa u aragta Mac Allisyer xiddigii buuxin lahaa booska ay ka baneyn doonaan Luka Modric iyo Toni Kroos marka ay kooxda ka tagaan.
Real Madrid ayaa haatan wadahadal kula jirta Modric si qandaraaskiisa hal sanno kale loogu darro.
Halyeega reer Croatia oo 39 sanno jir noqon doona bisha September ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu aqbalo mushahar aad uga hooseeya midka uu haatan qaato si uu kooxda u la sii joogo sannad kale.
Kroos ayaa sidoo kale wadahdal kula jira Real Madrid si isna hal sanno loogu kordhiyo qandaraaskiisa.
Mac Allister ayaa Liverpool uga soo biiray Brighton hishiis markii hore 40 milyan ginni ahaa balse noqon kara 52 milyan ginni.
Warbaahinta Argentina ayaa sheegeysa in xiddigaan qandaraaskiisa Liverpool lagu burburin karo 60 milyan ginni oo ah lacag ay diyaar la tahay Los Blancos.
Mac Allister ayaa Reds u saftay xilli ciyaareedkan 32 kulan oo Premier League ah iyo 45 kulan oo tartamada oo dhan ah.