Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in Kylian Mbappe uu si rasmi ah u yimaado kooxda kadib marka la soo gabagabeeyay tartanka UEFA Euro 2024.
Spain ayaa France ka saartay tartanka ka hor inta ayna ka badin England kulankii Axada islamarkaana ku guuleysan Euro.
Mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn kubada cagta adduunka, kooxda miisaanka culus ee La Liga ee Real Madrid ayaa Mbappe kula soo wareegtay suuqa xorta ah ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisii Paris Saint Germain.
Isagoo soo afjaraya sannado badan oo ay sugayeen Galactico cusub, Real Madrid ayaa xaqiijisay imaatinka Mbappe ee Santiago Bernabeu bishii hore.
Mbappe ayaa qalinka ugu duugay Los Blancos heshiis shan sano ah.
Kabtankii hore ee PSG ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda reer France isaga oo ah gooldhaliyahooda abid ugu sareeya isaga oo dhaliyay 255 gool.
Kabtanka France ayaa ku guuleystay lix horyaal oo Ligue1 ah, todobadii xilli ciyaareed ee uu ku sugna Parc des Princes.
Si kastaba ha ahaatee, Mbappe ayaa ku guuldareystay inuu hal koob oo UEFA Champions League ah ku qaado Paris.
Real Madrid ayaa dhamaystirtay saxiixa Mbappe ka dib markii ay ku guulaysteen koobkoodii 15-aad ee Yurub ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Bundesliga ka dhisan ee Borussia Dortmund finalkii UEFA Champions League ee ka dhacay Wembley.
Mbappe ayaa loo soo bandhigi doonaa taageeryaasha Real Madrid Maanta.
Santiago Bernabeu ayaa lagu soo waramayaa in lagu qaban qaabiyay xaflada soo bandhigida rasmiga ah ee Mbappe.
Ku dhawaad 80,000 oo taageerayaal ah ayaa ka soo qayb gali doona bandhigga Mbappe ee Madrid.
Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa Mbappe u soo bandhigi doona taageerayaasha kooxda marka ay saacadu geeska Afrika tahay 4:30 PM.
Mbappe ayaa loo gacan galiyay Lambarka caanka ah ee Ronaldo ee lambarka 9-aad.
25 jirkaan ayaa kasoo muuqan doona finalka UEFA Super Cup ee ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda ku guuleysatay Europa League ee Atalanta.
Wiilasha Carlo Ancelotti ayaa kulankooda furitaanka difaacooda horyaalka La Liga la ciyaari doona kooxda Real Mallorca bisha August.