Real Madrid ayaa si cad u sheegtay in aysan wax niyad ah u heyn in ay dhaq dhaqaaqyo muhiim ah ka samayso maalmaha ka haray suuqa jiilaalka hadii ay ahaan laheyd imaatin iyo bixitaan.
Inkastoo meelaha qaar ay aaminsan yihiin dadka in xoojin looga baahan yahay sida booska daafaca midig, haddana Carlo Ancelotti ayaa muujiyay inuu ku qanacsan yahay kooxda hadda uu heysto.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira ciyaaryahano ka tirsan kooxda Real Madrid kuwaasoo kooxo kale ay xiiseynayaan sida Arda Güler.
Ciyaaryahanka da’da yar ee Turkiga, ayaa lagu soo iibsaday 20 milyan oo euro 2023, waxaana uu si weyn u soo shaac baxay xilli ciyaareedkiisii labaad ee kooxda cadaanka ah.
Xili ciyaareed kan, waxa uu saftay 24-kulan, isagoo inta badan wacdaro ka dhigay Copa del Rey, oo uu goolal iyo caawin ka sameeyay ololahaan.
Saameyntiisa ayaa soo jiidatay kooxaha AC Milan iyo Arsenal, laakiin uma badna in ay heli doonaan maadaama suuqii Real Madrid uu soo xirmay sida ay kooxdu ku dhawaaqday.