Kooxda Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay si lama filaan ah ula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Chelsea, Enzo Fernandez, sida lagu soo waramayo.
Kooxda reer Spain ayaa lagu soo warramayaa inay xiiseynayaan xiddiga Chelsea isla markaana ay diyaar u yihiin inay ku beddeshaan ciyaaryahankooda khadka dhexe ee awoodda badan, Aurelien Tchouameni, si ay heshiiska u dhammeystiraan.
Sida uu sheegay wargeyska South American DSports, Madrid ayaa qorsheyneysa inay “si buuxda ugu dadaasho” inay Fernandez kala soo wareegto Chelsea.
Laacibkan reer Argentina oo 24 jir ah ayaa yimid Stamford Bridge bishii Janaayo 2023 isagoo kaga yimid Benfica heshiis ku kacay in ka badan £106 milyan.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku dhibtooday inuu muujiyo awooddii ay Chelsea ka filaysay, inkastoo uu si joogto ah uga soo muuqday 87 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.
Wararka ayaa sheegaya in Madrid ay rajeyneyso inay heshiiska u dhigaan isku bedelesho toos ah oo aan wax qarash ah ku bixin.
Tchouameni, oo isaguna 24 jir ah, ayaa ku dhibtooday inuu helo fursado ciyaar xilli ciyaareedkan isagoo ka hoos ciyaaraya tababare Carlo Ancelotti, waxaana la sheegay inuu ku qanacsaneyn doorkiisa haatan ee caasimadda Spain.
Xiddiga xulka France, oo 36 kulan u saftay qarankiisa, ayaa xilli ciyaareedkan ku bilowday 15 kulan oo La Liga ah, laakiin inta badan waxa loo adeegsaday booska daafaca dhexe inkasta oo uu doorbido inuu ka ciyaaro khadka dhexe.
Tchouameni ayaa ugu biiray Real Madrid sanadkii 2022 heshiis ku kacay illaa £85.3 milyan oo uu kaga yimid kooxda Monaco ee horyaalka France. Tan iyo markaas wuxuu u saftay kooxda in ka badan 100 kulan, isagoo ku guuleystay Champions League, La Liga, iyo Koobka Adduunka ee Kooxaha.