Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa la ciyaaray kulamadii 37aad oo hal mar ay ciyaaruhu wada bilaabmeen, waxaana la diiwaangeliyey dhacdooyin cajiib ahaa oo aan laga arag horyaalka xilli-ciyaareedkan socda gaar ahaan natiijooyinka ay keeneen kooxaha waaweyn qaarkood.
Kooxda horyaalka ku guuleysatay ee Real Madrid ayaa rikoodh waalli ahaa caawa samaysay, kaas oo waliba fadeexad iyo bahdilaad ku ahaa Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisu lumisay guul afar gool ah oo gacantooda ku jirtay, iyadoo hal ciyaartoy uu afar gool ka dhaliyey.
Los Blancos oo marti u ahayd Villarreal ayaa ciyaarta oo ay ku hoggaaminaysay 1-4, waxa ay ogolaatay in laga daba yimaaddo oo ay barbarro 4-4 ah ciyaarta ku dhamaystaan.
Ciyaartan oo uu Arda Guler laba gool u dhaliyey Real Madrid, ayaa waxa daqiiqaddii 14aad gool qurux badan ciyaarta ku furay da’yarka reer Turkey ee Guler, waxyar kaddibna Lucas Vazquez ayaa kubbad madaxa u saaray Joselu oo isaguna si kalsooni leh u dhamaystiray.
Qalad uu sameeyey Dani Ceballos ayaa sababay in Villarreal ay neeftu kusoo noqoto daqiiqaddii 39aad, waxaana kubbad uu kufay Ceballos xerada ganaaxa dhaxdeeda ka qaatay Mosquera oo madaxa u saaray Sorloth oo ciyaarta ka dhigay 2-1.
Laakiin daqiiqad kaliya kaddib ayay Real Madrid hoggaanka sii dheeraysatay oo uu gool saddexaad u dhaliyey Lucas Vazquez oo ka ciyaarayey difaaca midig, balse xorriyad u haystay inuu galaangal badan ku yeesho afka hore.
Arda Guler ayaa waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta waxa uu hoggaanka usii dheereeyey Real Madrid isaga oo dhaliyey goolka afraad ee naadigiisa, taas oo keentay in waqtiga nasashada loo baxo iyadoo Real Madrid hoggaanka ku haysa 4-1.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay ciyaartu isbeddeshay, waxaana bandhig cajiib ah sameeyey ciyaartoyda garoonkooda oo uu saddex gool oo darandoorri ahaa u dhaliyey weeraryahanka reer Norway ee Alexander Sørloth, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-4.
Dhinaca kale, Barcelona ayaa 3-0 ku xasuuqday Rayo Vallecano, waxaana laba ka mid ah goolashan dhaliyey xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ee Pedro halka goolka kalena uu saxeexay Robert Lewandowski oo goolka ku furay ciyaarta.
Kooxda Atletico Madrid ayaa bahdilaad weyn ay ku dhacday, waxaana 4-1 ku karbaashtay Osasuna oo garoonkeeda joogtay, waxaana laba ka mid ah goolashan ka dhaliyey Raul Garcia, halka labada kalena ay qaybsadeen Aimar Oroz iyo Lucas Torro, goolka madiga ah ee Atletico na waxa saxeexay Alvaro Morata.