Xiddiga ka tirsan kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kala doortay labada kooxood ee reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona, inkasta oo uu dhaafay waqtigii uu hungurigu ka geli lahaa kooxahan oo ay hadda gabogabo tahay kubaddiisu.
Difaaca dhexe ee Jonny Evans ayaa la weydiiyey midka uu u ciyaari lahaa Barcelona iyo Real Madrid haddii uu labadoodaba dalab ka heli lahaa, waxaana uu sheegay inuu mar walba doorbidayo Barcelona oo uu jeclaa inuu u dheelo.
Evans oo ay da’diisu tahay 30 jir oo xor ka noqon doona Manchester United marka la gaadho June 30, ayaa waxa waraysi uu siiyey wargeyska New York Times oo lagu weydiiyey mustaqbalkiisa, waxa su’aalihii ka mid ahaa: ‘Marka uu qandaraaskaagu dhamaado, haddii uu dalab kaaga yimaaddo Real Madrid iyo Barcelona, midkee ayaad tegi lahayd?”
Jonny Evans oo qoslaya ayaa yidhi: “Anigu mar walba waxa aan doorbidaa Barcelona.:
Waxa uu intaa sii raaciyey isaga oo u tudhaya Manchester United: “Ma doonayo in aan si qasab ah kaga jawaabo su’aalaha mustaqbalkayga Manchester United. Xagaaga waxa aan tegi doonaa ciyaaraha caalamiga ah oo aan dalkayga Northern Ireland uu magaalada Mallorca kula ciyaari doono Spain. Markii ugu horreysay ee aan ka hor tegay Spain waxay ahayd September 2006 oo xulkayga Northern Ireland uu 3-2 kaga badiyey Spain ciyaarihii isreeb-reebka Euro 2008. Mar kale ayaanu la ciyaarnay oo ahayd November 2007 oo ay 1-0 nagaga badiyeen.”