Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa magacaabay liiska 29 ciyaartoy oo isku diyaarin doona tartanka qaramada Latin America ee Copa America, kuwaas oo uu ka saari doono saddex ciyaartoy isaga oo 26 ciyaartoy u gudbin doona xidhiidhka CONMEBOL.
Argentina ayaa bisha dambe laba ciyaarood oo saaxiibtinimo la dheeli doonta Ecuador iyo Guatemala si ay iskugu diyaariyaan tartanka Copa America ee ay difaacanayaan, iyaga oo ku furan doona Canada oo ay June 20 la dheeli doonaan.
Lionel Messi ayaa hoggaamin doona xulka qaranka Argentina ee ka qayb-gelaya tartanka Copa America oo isbeddel lagu sameeyey, isla markaana uu xidhiidhka CONMEBOL ogolaaday inay kusoo daraan dhawr waddan oo Woqooyiga America ah sida Maraykanka iyo Canada.
Xiddigaha Manchester United ee Lisandro Martinez iyo Alejandro Garnacho ayaa sidoo kale ku jira xulka qaranka Albiceleste, waxaase magaca sida weyn loo sugayey uu ahaa Angel Di Maria oo ahaa ciyaartoygii dhaliyey goolkii madiga ahaa ee ay Brazil kaga qaadeen Koobkii ugu dambeeyey oo ay 1-0 kaga badiyeen, waxaana Di Maria lagu soo daray xulka.
Scaloni ayaa sidoo kale soo xushay Khadka dhexe ee Liverpool ee Alexis Mac Allister, goolhayaha Aston Villa ee Emiliano Martinez iyo difaaca Nottingham Forest ee Gonzalo Montiel.
Labada Tottenham ee Giovani Lo Celso iyo Cristian Romero oo lagu daray khadka dhexe ee Chelsea ee Enzo Fernandez, weeraryahanka Man City ee Julian Alvarez iyo da’yarka Brighton ee Valentin Barco ayaa iyaguna qayb ka noqday xulka Argentina.
Xulka qaranka Argentina ee Copa America
Goolhayeyaal: Emiliano Martinez (Aston Villa), Geronimo Rulli (Ajax), Franco Armani (River Plate)
Difaacyahanno: Gonzalo Montiel (Nottingham Forest), Nahuel Molina (Atletico Madrid), Leonardo Balerdi (Marseille), Cristian Romero (Tottenham), German Pezzella (Betis), Lucas Martinez Quarta (Fiorentina), Nicolas Otamendi (Benfica), Marcos Acuna (Sevilla), Nicolas Tagliafico (Lyon), Valentin Barco (Brighton)
Khadka Dhexe: Guido Rodriguez (Betis), Leandro Paredes (Roma), Exequiel Palacios (Bayer Leverkusen), Enzo Fernandez (Chelsea), Giovani Lo Celso (Tottenham), Angel Di Maria (Benfica), Valentin Carboni (Monza)
Weerarka: Lionel Messi (Inter Miami), Julian Alvarez (Manchester City), Alejandro Garnacho (Manchester United), Nicolas Gonzalez (Fiorentina), Angel Correa (Atletico Madrid), Lautaro Martinez (Inter)
Rodrigo De Paul miyaa laga tagay waxaad doontaan ayaad qoraysaan qoraalka iska hubiya