Kooxda Aston Villa ayaa si rasmi ah u dhameystirtay saxiixa xiddiga Marco Asensio.
Laacibkii hore ee Real Madrid ayaa amaah toos ah ugu biiray kooxda Birmingham ka dhisan isagoo ka yimid kooxda PSG.
Asensio waa weerarkii seddexaad ee ay Aston Villa ku xoojiso kooxdeeda ka dib Donyell Malen iyo Marcus Rashford.
Tababare Unai Emery ayaa waqti dheer la dhacsanaa xiddiga reer Spain, wuxuuna ugu dambeyntii kula saxiixday qaab amaah ah.
Inkastoo Aston Villa aysan heysan fursad ay ugu dhaqaaqdo si joogto ah xagaaga, haddana waxay awoodiisa ka faa’iideysan doonaan ilaa dhamaadka ololahaan.
Villa waxay bixin doontaa dhammaan mushaharka Asensio bilaha soo socda ee uu amaahda ugu ciyaari doono sida heshiiska lagu saxiixay.
29-sano jirkaan ayaa ku biiraya 18 bilood hor kooxda PSG, kuwaas oo inta badan uusan ka helin boos joogta ah.