Manchester United ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa weeraryahanka Bologna Joshua Zirkzee iyadoo Erik ten Hag uu xoojinayo weerarka ka hor xilli ciyaareedka 2024/2025.
Zirkzee ayaa qalinka ku dugaay heshiis Shan Sano ah oo kooxda sii joogaya ilaa iyo 2029ka.
Inkasta oo ay xagaagii hore keeneen Rasmus Hojlund, Man United waxa ay haatan culayska saartay sidii ay u keeni lahayd weeraryahan dhexe oo dheeraad ah.
Waxaa muuqatay Hojlund inuu kasoo bixi waayay doorkii looga baahna isagoo haatan tartan adag la kulmaya.
Weeraryahanka reer France Anthony Martial ayaa ku dhibtooday inuu taam u noqdo.
Ciyaaryahankii hore ee Monaco ayaa haatan ka tagay kooxda ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa, marka la yaab ma ahan in saxiixa weeraryahan dhexe uu ahaa mudnaanta Old Trafford.
Zirkzee oo ka hadlay ku biiritaankiisa Man United ayaa yiri:
Markii aan wadahadalo la yeeshay maamulaha iyo hogaamiyayaasha kooxda, waan ogahay sida xiisaha leh ee mustaqbalka uu halkan u ahaan doono, mana sugi karo inaan doorteyda ka ciyaaro guulana aan la gaaro Manchester United”.
“Waxaan ahay ciyaaryahan mar walba u heellan wax walba inuu ku guuleysto”. Ayuu yiri Zirkzee.