Manchester United ma samayn doonto saxiixyo kale ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Red Devils ayaa si rasmi ah uga quusatay daaqada ka dib markii ay ku guuldareysteen saxiixyada Mathys Tel iyo Christopher Nkunku.
Man Utd ayaa aad u dooneysay in ay weerarkeeda ku darto magac weyn, laakiin caqabado dhaqaale ayaa ugu dambayntii keenay in lasoo xiro waqti hore suuqii kooxda.
Kooxda ayaa haatan warbaahinta u sheegtay in aysan sameyn doonin saxiixyo xili dambe ah, inkastoo Tyrell Malacia wali la filayo inuu ka tago Old Trafford kuna biiro PSV ka hor dhamaadka daaqada.
Man Utd ayaa aaminsan in ay heleen daaqad guul leh oo ay kala wareegeen xiddigaha tayada leh ee Ayden Heaven, Diego Leon iyo Patrick Dorgu oo ay 30 milyan oo euro kaga soo qaateen kooxda Lecce.
Ilo ku dhaw kooxda ayaa sheegaya in madaxda Man Utd ay dareemayaan inay gaareen hadafkoodii ugu weyn ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Si kastaba ha ahaatee, tani ayaa la micno ah in Man Utd aysan la saxiixan doonin wax weerar ah oo lagu xoojiyo xili ciyaareedka kooxda.