Marseille ayaa Manchester United kala soo saxiixatay weeraryahan Mason Greenwood , kaasi oo ay ka saxiixdee heshiis ilaa 2029-ka ah.
Heshiiska ayaa ku kacaya £26.6 Milyan iyo 5 milyan oo qaab ciyaareedkiisa ku xidhan.
Greenwood, oo 22 jir ah, ayaa ka soo baxay akadeemiyadda United, laakiin uma ciyaarin kooxda Premier League tan iyo Janaayo 2022, waxaana uu amaah ku joogay Getafe xilli ciyaareedkii hore.
Eedeymihii cuslaa ee ka dhanka ahaa, oo ay ku jiraan isku day kufsi iyo weerar, ayaa la laaday Febraayo 2023.
Greenwood waxa uu kulankiisii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah u saftay United 2019kii, isagoo bedel ku soo galay kulankii Paris St-Germain ee Champions League.
Waxa uu dhaliyay 35 gool 129 kulan oo uu saftay waxana uu ku guulaystay koobkiisii kaliya ee England 2020.
Mason Greenwood ayaa gacanta laga saaray Lambarka 10aad ee kooxda.