Finalka tartanka Koobka Qaramada Afrika ayaa la go’aamiyey labada dal ee iskugu soo baxay ee wada ciyaari doona, kaddib markii ay soo dhamaadeen ciyaarihii semi-finalka oo ay ahaa kuwo si adag loogu dagaallamay.
Xulka qaranka Ivory Coast ayaa guul cidhiidhi ah ka gaadhay DR Congo oo ay kaga soo adkaaay 1-0, waxaanay sidaas finalka ugula ballantay Nigeria oo fiidkii caawa ka takhalustay Koonfur Afrika oo ay rikoodheyaal 4-2 ah kusoo jiidhay.
Ivory Coast oo ah dalka koobka martigeliyey, isla markaana si xun ku bilowday tartanka oo ay ku hadheen wareeggii koowaad ee group-yada laakiin ka mid noqday afar dal oo ahaa kuwa hadhay ee ugu dhibcaha badnaa ee lagu buuxiyey tirada wareega 16ka maadaama ay 12 xul si toos ah usoo baxeen, ayaa waxa ay xaqiijisatay in ay tagto finalka.
Gool madi ahaa oo uu daqiiqaddii 65aad u dhaliyey weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Sébastien Haller ayaa dhaliyey gool qurux badan oo go’aamiyey guusha xulkiisa, waxaana sidaas ay ciyaartu ugu dhamaatay 1-0.
Finalka ayaa waxa ay Ivory Coast wada ciyaari doonaan Nigeria oo ay maalinta Axadda ee 11ka February ay wada dheeli doonaan.