Xiddigan oo Awood u leh inuu ka ciyaaro daafaca iyo khadka dhexe, ayaa saxiixay qandaraas todobo sano ah oo uu ku joogayo Stamford Bridge, kaasoo ay ku jiraan hal sano oo dheeri ah, wuxuuna ku biiri doonaa kooxda koowaad ee Enzo Maresca ee tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan imaado,” Veiga ayaa sharraxay dareenkiisa.
“Tani waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn England – aniga ahaan runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan imaado.”
Wiilka uu dhalay ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Cape Verde ee Nelson Veiga, Renato waxa uu inta badan waqti ku qaatay akadeemiyada kooxda reer Portugal ee Sporting.
Wuxuu u saftay kulankiisii ugu horeysay ee Sporting B Sebtember 2020kii.
Bishii Janaayo 2023, Renato wuxuu dhameystiray heshiis amaah ah oo uu ugu dhaqaaqay kooxda Bundesliga ee Augsburg.
Waxa uu todobo bilood ku qaatay Germany waxa uuna 13 jeer kasoo muuqday Bundesliga ka hor inta uusan u dhaqaaqin Basel.
Renato ayaa isla markiiba si joogto ah uga ciyaaray kooxda Basel wuxuuna u saftay 26 kulan tartamada oo dhan intii lagu jiray ololihii 2023/24.
Waxa uu sidoo kale ka soo muuqday dhammaan todobada isreebreebka Koobka Qaramada Yurub ee Portugal ee 21 jirada.