Alphonso Davies ayaa si rasmi ah u saxiixay qandaraas cusub oo waqti dheer ah oo uu ku sii joogayo Bayern Munich.
Heshiiskaan cusub ayaa soo afjaray wararka la isla dhexmarayay ee la xiriiray in daafacaan beeca xorta ah ku bixi doono xagaagan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Canada ayaa lagu waday inuu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka bisha June, waxaana si weyn loo saadaalinayay inuu Bavaria kaga tago beeca xorta ah si uu ugu biiro Real Madrid.
Man United ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Davies, in kasta oo xiisahooda 24-sano jirkaan uu dhamaaday markii ay Patrick Dorgu kula wareegeen 30 milyan oo euro maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa January.
Davies ayaa haatan mustaqbalkiisa u hibeeyay Bayern, isagoo u saxiixay heshiis cusub oo waqti dheer ah kaasoo soconaya ilaa xagaaga 2030.
Markii la saxiixay qandaraaska cusub, Davies ayaa u sheegay website-ka kooxda Bayern Munich “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan qandaraaska u kordhiyay kooxdan weyn, waxaan imid anigoo aad u yar, waa koox aan jeclahay inaan xirfadeyda oo dhan ku qaato.