Tababarihii hore ee Chelsea iyo Liverpool, Rafa Benitez, ayaa saadaal ka bixiyay kulanka Champions League ee Arbacada dhex mari doona Real Madrid iyo Arsenal.
Arsenal ayaa safar ugu ambabaxday Spain iyagoo 3-0 ku xasuuqay Real lugtii hore ee wareega rubuc-dhamaadka.
Benitez ayaa qirtay in soo laabasho ay Real Madrid sameyso ay “adkaan doonto”.
Wuxuu yiri: “Soo laabasho ay Real Madrid kaga hortagto Arsenal way adkaan doontaa sababtoo ah Arsenal waa koox adag.
“Inkastoo garoonka Bernabéu uu yahay sheeko kale, haddii Arsenal gool dhaliso, wax walba waxay noqonayaan kuwo aad uga sii adag.
“Laakiin si hoose, waxaan rajeynayaa in Real Madrid ay badiso oo ay soo baxdo.”
Benitez ayaa maamulay Real Madrid laga bilaabo Janaayo ilaa Luulyo 2016.
Tababaraha reer Spain wuxuu kaliya hoggaamiyay 25 kulan intii uu joogay kooxda, kahor inta uusa ceyrin madaxweynaha kooxda Real, Florentino Perez.