Quinton Fortune ayaa sheegay inay u muuqato, in Manchester United ay luminayso sharafteeda oo ay meesha ka saarayso ciyaartoydeeda kulliyadda oo hore loogu yaqaanay in ay hormood ka noqdaan guulaha kooxda.
Laacibkan hore ee reer South Afrika oo 126 ciyaarood u saftay kooxdiisa, ayaa dib ugu soo laabtay Old Trafford sannadkii 2019 isaga oo noqday tababare ku-xigeenka kooxda da’yarta laakiin sannad kaliya markii uu joogay ayuu ka tegay oo uu ku biiray kooxda Reading.
Intii uu joogay Manchester United ee soo-laabashadiisa kaddib, Quinton Fortune ayaa waxa uu carbiyey ciyaartooyo ay ka mid yihiin James Garner, Angel Gomes, Teden Mengi iyo Anthony Elanga oo markii dambe usoo dallacay kooxda koowaad. Sidoo kale, laacibka reer Brazil ee Andreas Pereira oo isagana uu waqti ku layliyey da’yarta ka hor intii aanu diyaarka u noqon kooxda koowaad ee Man United oo iskasii dirtay.
Andreas Pereira isagu waa hoggaamiyaha kooxda Fulham oo uu ku biiray xagaagii, waxaana uu ka mid ahaa xiddigihii dhabarka ka jabiyey Man United Sabtidii, iyaga oo kaliya £10 milyan oo Gini kaga iibsaday sannadkii 2022. Garner iyo Elanga ayaa sidoo kale ku biiray kooxaha Everton iyo Nottingham oo isku-geyntooda ay Man United ku iibisay £30 milyan oo Gini.
Si kastaba, Quinton Fortune oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Manchester United ay qoomamayn doonto ciyaartoydan ay iska iibisay oo waqtigan anfici lahaa.