TBR Football ayaa si gaar ah u xaqiijisay in Manchester City ay indhaha ku hayso ciyaaryahan khadka dhexe oo Champions League ka ciyaara, kaasoo loo arko beddelka ku habboon ee Kevin De Bruyne, qiimihiisuna yahay £20 milyan.
Sky Blues ayaa lagu wadaa inay lumiso adeega De Bruyne dhamaadka xilli-ciyaareedkan, taasoo keentay baahida ay u qabaan inay helaan ciyaaryahan buuxiya booskiisa.
Kooxda Pep Guardiola ayaa durba bilowday dib-u-dhiska kooxda, iyadoo bishii Janaayo la soo saxiixatay Abdukodir Khusanov, Omar Marmoush iyo Nico Gonzalez. Waxaa la filayaa in suuqa xagaaga ay City sii wadato xoojinta safkeeda maadaama kooxda ay u muuqato inay galeyso marxalad cusub.
Ciyaaryahanka ay Man City u arkeeyso inuu noqon karo beddelka ugu habboon ee De Bruyne waa xiddig leh astaamo badan oo la mid ah kuwa kabtankii hore ee City.
Sida uu sheegay Graeme Bailey, oo ah wariyaha sare ee TBR Football, Manchester City waxay si qoto dheer u daraseyneysaa beddelka suurtagalka ah ee Kevin De Bruyne.
Waxaan si gaar ah u helnay xogta ah in mid ka mid ah magacyada si weyn loo xiiseynayo uu yahay xiddiga kooxda Atalanta, Charles De Ketelaere.
De Bruyne wuxuu heshiiskiisa City dhacayaa dhammaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana durba socda wada-hadallo ku saabsan mustaqbalkiisa. Wararka la helayo waxay sheegayaan in xiddiga reer Belgium uu doorbidayo inuu u wareego Major League Soccer (MLS).
Sannadkii hore, TBR Football ayaa si gaar ah u shaacisay in kooxda cusub ee San Diego ay tahay kooxda ugu cadcad ee dooneysa saxiixa De Bruyne, ayna si weyn ugu kalsoon yihiin inay la wareegi doonaan.
Manchester City iyo Kevin De Bruyne waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan mustaqbalkiisa, waxaana la filayaa inay si nabadgalyo ah isku macasalaameeyaan. Taasina waxay siisay City fursad ay ku sii horumariso raadinta ciyaaryahan beddel u noqdo, iyadoo haatan lagu soo waramayo in De Ketelaere uu yahay mid si weyn loola dhacsan yahay.