Qiimayn lagu sameeyey weeraryahannadii ugu fiicnaa ee abid soo maray horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la shaaciyey, waxaana lagu soo koobay xogta tobanka ugu sarreeya oo uu ka dhax-muuqdo mishiinka goolasha Manchester City.
Ciyaartoyda hadda joogta horyaalka Premier League, waxa kaliya oo qiimayntan soo galay Erling Haaland, laakiin waxa isaguna booskiisa helay Harry Kane oo xagaagii u wareegay Bayern Munich oo uu kasii wato goolasha uu sida joogtada ah u dhalinayo.
32 sannadood ayaa laga joogaa markii uu horyaalka waddanka Ingiriisku qaatay magaca Premier League, waana xilliga dibu-curashada iyo casriyeynta kubaddu ay lasoo bilaabantay, iyadoo qiimayntuna ay ku egtahay xilligaas illaa hadda.
Weeraryahannada dabiiciga ah ee booska No.9 ayaa ay qiimayntani soo bandhigtay muddo 32 sannadood ah, waxaana booska koowaad loo diiday Alan Shearer oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Premier League oo dhaliyey 260 gool oo uu u saxeexay saddexda kooxood ee uu 17ka sannadood usoo ciyaaray ee Southampton, Blackburn Rovers oo uu kula guuleystay horyaalka Premier League iyo Newcastle United.
Waxa kaalinta koowaad ku jira weeraryahanka reer France ee Thierry Henry oo noqday weeraryahankii ugu fiicnaa ee ka ciyaara horyaalka Premier League, isaga oo shan sannadood oo isku xiga dhaliyey min 24 gool iyo ka badan oo Premier League. Isugeyn waxa uu Arsenal u dhaliyey 174 gool, ka hor intii aanu uga wareegin Barcelona.
Kaalinta labaad ayaa waxa soo cidhiidhsaday halyeygii Manchester United ee Wayne Rooney oo muddo ka badan 10 sannadood ahaa ciyaartoyda farta lagu fiiqo ee horyaalka Premier League, waxaana uu magaciisu taabbo-galay isaga oo 16 jir ah markii uu kasoo baxay kulliyadda da’yarta Everton.
Rooney waa ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Manchester United, waxaanu u dhaliyey 253 gool, halka horyaalka Premier League uu ka yahay ciyaartoyga saddexaad ee ugu goolasha badan, waxaanu dhaliyey 208 gool iyo 103 uu caawiyey.
Waa kuwan tobanka weeraryahan ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League
10. Luis Suarez – Liverpool
9. Andrew Cole – Manchester United
8. Michael Owen – Liverpool, Man United iyo Newcastle
7. Eric Cantona – Manchester United
6. Erling Haaland – Manchester City
5. Harry Kane – Tottenham
4. Sergio Aguero – Manchester City
3. Alan Shearer -Newcastle, Southampton iyo Blackburn Rovers
2. Wayne Rooney – Manchester United iyo Everton
1. Thierry Henry – Arsenal