Man United waxay miiska saari doonta lacagta lagu burburin karo heshiiska weeraryahanka Bologna ee Zirkzee waxayna bixin doontaa wax ka yar 40 milyan oo euro oo ay ku jirto shuruudo lacag bixin ah.
Zirkzee ayaa lagu wada inuu Man United u saxiixo heshiis ilaa June 2029ka ah.
Si kasta weeraryahanka ayaa saacadaha soo aadan lagu wada inuu u duulo Manchester sii uu maalinta beri tijaabada caafimaad u maro.
Waa saxiixii ugu horeeyay ee ay sameeyaan boorka Manchester United iyagoo raba xagaagan inay isbedel weyn ku sameeyaan kooxdooda.