Paris St-Germain ayaa u bandhigtay weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe heshiis cusub oo laba sannadood ah oo uu ku qaadanayo mushahar gaadhaya £136 milyan oo Gini, waxaanay dedaal badan ku bixinaysaa inay 25 jirkan ku qanciso in uu iska diido Real Madrid. (AS)
Arsenal waxay shaqaale usoo daawada u dirtay garoonka Molineux, kuwaas oo qiimayn ku samaynaya garabka weerarka Portugal iyo kooxda Wolves ee Pedro Neto oo 23 jir ah iyo weeraryahanka reer England ee Ivan Toney. (HITC)
Crystal Palace waxay doonaysaa weeraryahanka kooxda Marseille ee Iliman Ndiaye oo ah 23 jir u dhashay waddanka Senegal, kaas oo ay ka dhiganayaan saxeexooda ugu weyn ee suuqa xagaaga. (Sun)
Difaacakooxda Nice ee Jean-Clair Todibo oo 24 jir ah waxa uu diiday inuu beeniyo wararka sheegaya inuu ka tegi doono kooxdaas dhamaadka xilli-ciyaareedka, iyadoo lala xidhiidhinayo kooxaha Manchester United iyo Chelsea. (Mirror)
Frenkie de Jong ayaa caddeeyey in aanu doonayn inuu ka tago kooxdiisa Barcelona xagaaga soo socda, inkasta oo la sheegayo in naadigiisu uu doonayo inuu u iibiyo duruufaha dhaqaale ee haysta. Waxa kale oo maalmihii ugu dambeeyey la isla dhax-marayey in uu isaguna ka niyad-jabsan yahay sii joogista Camp Nou. Manchester United ayaa ah kooxda lala xidhiidhinayo. (Football Transfers)
Barcelona ayaa la ogaaday in kaliya ay soo geli karto tartanka khadka dhexe ee Everton ee Amadou Onana haddii laacibkan qiimihiisu uu ka hooseeyo £51 milyan oo Gini. Waxa ay arrintani fursad u tahay Manchester United, Arsenal iyo Chelsea oo ku tartamaya xiddigan reer Belgium. (Sun)
Newcastle iyo Tottenham ayaa ka fiirsanaya inay dalabyo ka gudbiyaan weeraryahanka kooxda Genoa ee Albert Gudmundsson oo ah 25 jir u dhashay Iceland. (Calciomercato)
Brighton waxay doonaysaa inay iibiso xiddigeeda reer Japan ee Kaoru Mitoma xagaagan oo ay doonayaan kooxaha Barcelona, Manchester City, Manchester United iyo Chelsea. (Football Transfers)