Taageereyaasha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa arki kara xaalad layaab ku noqon karta maalinta ugu dambaysa ee horyaalka lasoo gabogabaynayo ee Axadda, markaas oo ay suurtogal tahay in la adeegsado xaalad hal mar oo kaliya soo martay taariikhda horyaalka Premier League.
Manchester City iyo Arsenal ayaa Axadda ay midkood calfan doontaa horyaalka Premier League, iyagoo hadda laba dhibcood ay kala horreeyaan oo ay City hoggaanka hayso.
Kooxda tababare Pep Guardiola waxa ay waajihi doontaa West Ham oo kusoo booqanaysa Etihad Stadium, halka Arsenal ay foodda is-dari doonaan Everton.
City ayaa ah kooxda hadda gacanta sarraysa ee hoggaanku gacanta ugu jiro waxaanay u baahan tahay in ay kaliya ka badiso West Ham, laakiin xataa haddii laga badiyo, sidoo kalena Arsenal ay soo guul-darraysato ciyaarteeda Everton, wali waxa horyaalka iska leh Man City.
Caadiyan, kulamada maalinta ugu dambaysa horyaalka Premier League waxa si toos ah looga baahiyaa Sky Sports, xataa ciyaaraha aan ku jirin baahinta ayaa sidoo kale goolasha ay kooxuhu kala dhaliyaan lasoo baahiyaa goolasha oo ciyaarta kale oo socota daawadeyaasha laga tusaa shaashadaha.
Labada ciyaarood ee Manchester City iyo Arsenal ay kala dheelayaan oo ah kuwa sida weyn indhaha loogu hayo, ayaa ay qaybsadeen Sky Sports iyo TNT Sports oo hore loo odhan jiray BT Sports.
Telefishankan ayaa sidoo kale waxa loo xilsaaray in uu noqdo midka ku dhawaaqaya kooxda horyaalka ku guuleysatay, waana markii ugu horreysay ee sidan oo kale hal telefishan loosii xilsaaro inuu noqdo midka iska leh xuquuqda kooxda la caleemo-saarayo, inkasta oo hal mar oo kaliya hore loosoo arkay.