Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa mustaqbalka ee ah inuu hogaamiyo xul qaran marka uu ugu dambeyn ka tago kooxda Manchester City.
Tababaraha reer Catalonia ayaa dhawaan soo afjaray wararka la isla dhexmarayay ee ku saabsanaa mustaqbalkiisa isagoo heshiis cusub la saxiixday City kaas oo soconaya ilaa xagaaga 2027. Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedka liita ee kooxda xilligan ayaa mar kale kiciyay xanta ku saabsan mustaqbalkiisa.
City ayaa hal guul ka gaartay sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan, waxaana ay sideed dhibcood ka dambeeyaan hogaamiyaasha horyaalka Premier League ee Liverpool, kuwaas oo hal kulan baaqi u ah.
Guardiola ayaa lagu arkay calaamado walbahaar ah xilli kooxdiisu hoos u dhacday, wuxuuna si furan u sheegay inuu doonayo inuu horumariyo luqadda Faransiiska, cunto karinta, iyo xirfadda kubbadda golf-ka.
Tababaraha 53-jirka ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay rabitaankiisa ah inuu ka guuro tababarka kooxaha kuna biiro tababarka xulal qaran marka uu ka tago City. Isagoo la hadlaya chef Dani Garcia barnaamijkiisa Desmontadito ee YouTube, Guardiola ayaa yiri:
“Waqti ayaa iman doona marka aan dareemo inaan daalay, markaas ayaan si dhab ah uga fariisan doonaa howlaha kubadda cagta. Ma doonayo inaan tababare ka noqdo koox kale. Manchester City haddii aan katago ma leylin doono koox kale.
Ma heli doono tamar aan sidaas ku sameeyo. Laakiin fikirka ah inaan meel kale ka bilaabo shaqo, anigoo maraya habka tababarka iyo wixii la mid ah… maya, maya, maya! Waxaa laga yaabaa xul qaran, laakiin taas waa wax ka duwan.”