Martin Odegaard ayaa magacaabay ciyaaryahanka uu ugu jecel yahay iney Arsenal la soo saxiixato.
Arsenal ayaa qorshaynaysa saxiixyo muhiim ah kahor suuqa kala iibsiga xagaaga, iyagoo bartilmaameedkooda ugu weyn ka dhigtay Alexander Isak iyo Nico Williams, sida ay wararku sheegayaan.
Si kastaba ha ahaatee, Odegaard wuxuu doonayaa ciyaaryahan kale oo ka dheela La Liga – wuxuuna magacaabay xiddigga Real Madrid Vinicius Jr inuu yahay ciyaaryahanka uu rabo in la keeno Emirates Stadium.
Xidigga khadka dhexe ee Arsenal ayaa hore ugu tilmaamay Vinicius inuu yahay kan ugu fiican adduunka, sidaas darteed, waa wax iska caadi ah inuu doorbido saxiixiisa. Xiddigga reer Brazil ayaa wacdarro ka dhigay Real Madrid 12-kii bilood ee la soo dhaafay, isagoo dhaliyay gool muhiim ah kulankii kama dambaysta ahaa ee Champions League xilli-ciyaareedkii hore.
Markii la weydiiyay: “Haddii aad heli lahayd fursad aad ciyaaryahan ugu saxiixdo Arsenal, yaad dooran lahayd?”, Odegaard wuxuu ku jawaabay:
“Hadda waxaan idhi Vinicius waa kan ugu fiican adduunka, sidaas darteed waa caadi in la doorto isaga.”
Vinicius Jr waa mid ka mid ah xiddigaha ugu tayada wanaagsan caalamka, balse nasiib darro, waxay u muuqataa inaan waligeen ku arki doonin Premier League.
Real Madrid si dhif ah ayay u iibisaa xiddigaha ugu fiican kooxdeeda, taasoo ka dhigan in ay yaraato fursadda uu Vinicius Jr ugu biiri karo Arsenal ama koox kale oo ka dhisan England.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan horey u aragnay Vinicius oo la ciyaaraya kooxo Premier League ah tartanka Champions League, waxaana uu leeyahay rikoodh cajiib ah marka uu wajahayo kooxaha Ingiriiska.
Arsenal ayaa la kulmi doonta Real Madrid wareega xiga ee Champions League, waxaana suurtagal ah in Vinicius Jr uu si toos ah ugu muujiyo Odegaard sababta uu u yahay kan ugu fiican adduunka.
Daafaca Arsenal Ben White ayaa horey uga hadlay awoodda ciyaareed ee Vinicius Jr, waxaana wax yar uun ka harsan waqtiga ay si toos ah ula kulmi doonaan xiddigga reer Brazil.
Odegaard wuxuu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro Vinicius Jr, balse nasiib darro heshiiska lagu heli karo aad ayuu u adag yahay inuu dhaco.