Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa qirtay in uu ka niyad jabsan yahay guuldaradii kooxdiisu ay kala kulantay suuqa January.
Dhaawaca Bukayo Saka iyo Gabriel Jesus ayaa Gunners culeys badan ku noqday, waxaana Arteta uu raadiyay weeraryahan cusub ka hor dhamaadka maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa awoodi wayday inay dhamaystirto heshiiska weeraryahan cusub taasoo niyad jab ku ah tababarahooda Arteta.
Ka hor kulanka Arsenal ee semi-finalka Carabao Cup lugta labaad Arbacada kula ciyaarayaan Newcastle United, Arteta ayaa wax laga weydiiyay saxiix la’aanta kooxda ee suuqa Janaayo.
“Waxaan laheyn ujeedo cad, marka ay daaqada furantay, waxaan sameynay dadaal kasta si aan weeraryahan u helno,” ayuu Arteta u sheegay suxufiyiinta.
Ciyaartoyda dhaawacantay way nasaameysay, mana aanan gaarin hadafkeenii suuqa, Waan ka niyad jabnay runtii gabagabada “ ayuu yiri Arteta.
Arsenal ayaa ku guuldareysatay inay la soo wareegto hal ciyaaryahan intii lagu jiray suuqii Janaayo, iyadoo kooxdu ay awoodi weyday inay dhameystirto heshiiska Mathys Tel, oo ku biiray Tottenham.
Dhanka kale, Ayden Heaven, Josh Robinson, Marquinhos, Maldini Kacurri iyo Brian Okonkwo ayaa dhamaantood ka dhaqaaqay Emirates Stadium.