Isagoo lix gool dhaliyay xilli ciyaareedkan, 22 jirkaan waa halista ugu weyn ee ay wajahayso Arsenal caawa.
Luis Enrique wuu neceb yahay inuu saxaafada la hadlo.
Waxa uu si cad u qirtay in uu si farxad leh u dhimi lahaa mushaharkiisa haddii ay la macno tahay in laga fogaado wax kasta oo waajibaad warbaahin ah.
Sidaas darteed, xilli ciyaareedkii hore waxa ay ahayd mid aad ugu adkayd inuu madaxa kor u qaado , maadaama uu ku qasbanaaday inuu la tacaalo su’aalo joogto ah oo ku saabsanayd mustaqbalka Kylian Mbappe.
Luis Enrique ayaan wali ku faraxsanayn in uu arko weeraryahanka reer France oo u dhaqaaqay Real Madrid.
PSG ayaa hadda si cajiib ah ula qabsanaysa la’aanta gool dhaliye cajiiba.
Iyadoo Luis Enrique uu weli la tacaalayo su’aalaha la xiriira Mbappe, hadda waxad mooda inuu helay beddelka saxda ah waana Bradley Barcola.
Inkastoo aysan ahayn in lala barbar dhigo Mbappe , laakin Luis Enrique ayaa diyaar u ah inuu qirto in da’yarku yahay sababta ugu weyn ee aan hadda loo tebin ciyaaryahankii abid ugu weynaa PSG.
Barcola ayaa caawa furo u noqon doona PSG, wuxuuna sidoo kale noqon doona halista Arsenal.