Netherlands oo ku soo baxday kaalinta 3-aad ee Group-kooda iyaga oo ka dambeeyay Austria iyo France oo hal guul iyo hal bar-baro ah ku soo baxay.
Waxa ay ka badiyeen Poland oo ay xitaa barbaro ku qabteen France ka hor inta ayna guuldaro kala kulmin Australia.
Dhanka kale Romania ayaa ku soo baxday kaalinta 1-aad ee Group-kooda waxaana ka horeeyay Ukraine,Belgium iyo Slovakia.
Sidoo kale waxa ay heleen 4 dhibcood hal guul iyo hal bareejo.
Tababaraha Netherlands Ronald Koeman ayaa seddex isbedel ku sameeyay kulankan wareega 16ka ee Romania, isagoo line-upka kusoo bilaabay Xavi Simons, Denzel Dumfries iyo Steven Bergwijn.
Saddexda ciyaaryahan ayaa bedelay Joey Veerman — oo la bedelay 35 daqiiqo ka dib ciyaartii ugu danbeysay ee Netherlands ay la ciyaartay Austria — Donyell Malen iyo Lutsharel Geertruida.
Romania ayaa laba isbedel ku samaysay kooxdeeda, iyadoo tababare Edward Iordanescu uu soo galiyay Vasile Mogos oo uu ku bedalay Nicusor Bancu oo ganaax ku maqan iyo Dennis Man iyo Florinel Coman.
Si kastaba bilowgii ciyaarta Romania ayaa saneesay isku dayo cajiiba.
Cody Gakpo ayaa hogaanka u dhiibay Netherland kadib markii uu kubad ka helay Simons, darbad xoogan ayuuna ku riday goolka.
Netherlands ayaa ciyaarta maamulayay halka Romania islu dayo qaar ay sameenaysay.
Qeybta hore ee ciyaarta waxa lagu kala nastay 1-0 oo ay Netherlands ku hogaaminayso.
Qeybta labaad Romania ayaa isku day sameysay balse gool way u bedali waayen.
Netherlands ayaa mar kale dhalisay gool laakiin goolkii waa laga diiday kadib markii uu Gakpo ku jiray offside markii uu dhamaystiraayay kubada.
Daqiiqadii 83aad ee ciyaarta Donyell Malen ayaa gool labaad u dhaliyay Netherlands kadib caawin uu ka helay Gakpo oo caawa wacdaro dhigay.
Dhamaadkii ciyaarta isla Donyell Malen ayaa goolka 3aad u raaciyay.
Ciyaarta ayaana ku dhamaatay 3-0 oo ay Netherlands guusha ku raacday.
Netherlands waxay wareega 8da ku sugaysa kii soo baxa Turkiga iyo Austria.