Taageerayaasha Chelsea ayaa bartilmaameed ka dhigtay agaasimayaasha isboortiga kooxda ee Paul Winstanley iyo Laurence Stewart ka dib natiijooyinkii xumaa ee ay dhawaan heshay kooxda.
Blues ayaa badisay kaliya seddex kamid ah 10-kii kulan ee ugu dambeyay tartamada oo dhan, waxaana ay ka hartay FA Cup Sabtidii ka dib markii ay 2-1 kaga badisay Brighton & Hove Albion.
Bilawgii wacnaa ee Enzo Maresca Stamford Bridge ayaa hadda dhamaaday, laakiin jamaahiirta Chelsea ayaa ka carooday madaxda suuqa kala iibsiga ee kooxda, halkii ay dhaleeceyn lahaayeen tababarahooda.
Ragaan ayaa loo xilsaaray in ciyaartoyda da’da yar ee ugu fiican kubbada cagta adduunka kaga faa’iideeyaan kooxda, laakiin Chelsea ayaa ku guuldareysatay inay la soo wareegto xirfadle horumar sameyn kara.
Blues ayaa ku guuldareysatay inay ku guuleysato koob maxalli ah tan iyo 2018, inkastoo ay 1.4 bilyan oo euro ku qarash gareysay saxiixyo cusub labadii sano ee la soo dhaafay.
Chelsea ayaa weli kujirta xaalad cakiran, waxaana taageerayaasha ay ku baaqayaan in la ceyriyo labada agaaisme ee dhanka suuqa u qaabilsan kooxda.