Murat Yakin ayaa kalsooni ku qaba in Xulkiisa Switzerland ay soo bandhigi doonto qaab Ciyaareedkoodii ugu wacnaa’ sabtida ee wareega 8da Euro 2024 oo ay wajahayaan xulka England oo “dhibaatooyin kala kulmay” tartanka xagaagan.
Saddexda libaax ayaa dad badani u arkayeen inay yihiin kuwa ugu cadcad tartanka ka hor Euro 2024, laakin waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u hooseeya afartii kulan ee ilaa hadda la ciyaaray, oo ay ku jiraan saddex Kulan oo ay ku soo baxeen heerka group-yada inkasta oo ay ku soo baxeen kaalinta koowaad ee Group C.
Wiilasha Gareth Southgate ayaa markaas la kulmay cabsi aad u weyn kulankii 16-ka ee ay la ciyaareen Slovakia, waxaana ay 86 ilbiriqsi kaliya u jireen inay ceeb dhexda ka galaan.
Si kastaba ha ahaatee, Jude Bellingham ayaa u gurmaday, waxaana uu dhaliyay kubad qurux badnayd daqiiqadii 95-aad ee ciyaarta, ka hor inta uusan kabtan Harry Kane uusan dhalin goolka guusha.
England ayaa haatan tijaabin doonta awoodooda markay 8da ku kulmaan Switzerland, kuwaas Babiyay Xulka caajiska ahaa ee Italy oo 2-0 ku garaacday wareegii 16ka.
Taageerayaal badan iyo khabiiro ayaa Switzerland ka dhigay dalka ugu cadcad inay guul gaarayso sabtida.
Yakin Tababaraha Xulka Switzerland ayaa saadaal ka bixiyay sida ay noqon karto ciyaarta ka dhici doonta garoonka Merkur Spiel-Arena ee Dusseldorf.
“Kooxdee ugu cadcad, marka aad aragto xulka England iyo kooxdeyda, qiimahoodu waa ka weyn yahay anaga” ayuu yiri Macalinka Swiss oo la hadlay saxaafada.
“Aan Dheelno ciyaarta, waa kulan furan, waxaan ku jirnaa xaalad fiican, si fiican ayaan u ciyaareynaa, natiijooyin fiican iyo niyad fiican ayaan helnay.
“Dabcan, iyaga waxa ay mareen dhibaato badan waxayna la ciyaarnay xulal wada daafac ah,ma fududa in aad la ciyaarto koox difaac weyn ku jirta.
“Iminkana waa xaalad fiican marka aad haysato xul kaa soo horjeeda oo doonaya inuu ciyaaro kubada cagta, waa kulan furan.
“Waan ognahay kooxaha adag iyo kuwa daciifka ah, waxaan diyaar u nahay inaan muujino kartideena ugu fiican kulanka England, kaliya waxaan diirada saareynaa kooxdayda”.
Yakin ayaa rajo wanaagsan ka qaba in xulkiisu uu ka adkaado England isla markaana uu taariikh sameeyo.
“Waxaan la ciyaarnay Jarmalka, way fiicnayeen,”
“Waxaan la ciyaarnay Italy, sidoo kale waa koox weyn, marka, maxaa diidaya inaan hadda garaacno England?
Switzerland oo aan weli laga badin Euro 2024 ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee Group A ka dib markii ay guul ka gaareen Hungary oo ay barbaro xiriir ah la galeen Scotland iyo Germany.
Waxayna Dalka Switzerland Kaalinta 19-aad kaga jirta xulalka adduunka ee FIFA, waxaa laga badiyay kaliya hal kulan 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaareen, laakiin waxa ay ku guul-darreysteen in ay guul gaadhaan afartii kulan ee ay hore la kulmeen England tartan weyn, 2 jeer waa laga badiyay 1 jeerna barbaro ayee galeen.