Lamine Yamal oo 16 jir ah ayaa dhaliyay gool qurux badan iyadoo La Roja ay u gudubtay finalka Berlin, halkaasoo ay ku wajihi doonaan England ama Netherlands.
Lamine Yamal oo u dhashay dalka Spain ayaa dhaliyay gool cajiib ah si uu u noqdo gool dhaliyaha ugu da’da yar taariikhda Horyaalada Yurub ee ragga isagoo xulkiisa ka caawiyay in ay reebaan xulkii tartanka ugu cadcada ee France gaaraana finalka Euro 2024.
16 jirkaan ayaa kubad la yaab leh ka soo tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa isagoo u barbareeyay xulkiisa, kadib gool uu Randal Kolo Muani bilowgii ciyaarta ka dhaliyay.
Kahor Yamal, waxaa rikoodhkan heeystay Johan Vonlanthen oo u dhashay Switzerland.
Vonlanthen waxa uu ahaa 18 sano iyo 141 maalmood markii uu shabaqa soo taabtay Euro 2004, sidoo kale wuxuu ka hortagay France.
Dhinaca kale, Wayne Rooney oo England gool ka dhaliyay Switzerland ayaa u dhacay kaalinta saddexaad ee liiska.