Warbaahinta Talyaaniga ayaa hadda si isku mid ah u sheegtay in Dusan Vlahovic xirfadiisa Juventus ay soo dhamaatay.
Vlahovic kuma uusan bilaaban kulan Serie A ah Juventus sanadka 2025, taasoo mugdi badan galisay mustaqbalkiisa.
Bianconeri kulankii wajahday Como Dusan Vlahovic wuxuu ahaa badel aan la isticmaalin 90kii daqiiqo ee ciyaartaas.
Randal Kolo Muani ayay Juve amaah kaga soo qaadatay PSG bishii Janaayo, wuxuuna isla markiiba noqday dooqa koowaad ee weerarka kooxda hogaaminaya.
Qandaraaska Vlahovic ee Turin wuxuu dhacayaa 2026, kooxda ayaana sameyn doonta wax walba oo ay ku iibin karto Serbian-ka dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Meesha ugu habboon ee Juve uu kaga dhaqaaqi karo waa Arsenal, oo u baahan weeraryahan xagaaga, iyadoo dhowr jeer la xiriirtay 24-jirkaan.