Waxaa mugdi ku jira mustaqbalka Frenkie de Jong iyo Ronald Araujo kadib markii ay Barcelona u dhaqaaqeen Kimmich iyo Jonathan Tah.
Barcelona ayaa rajeyneysa inay la soo saxiixato labada Jonathan Tah iyo Joshua Kimmmich xagaaga soo socda laakiin sidaas darteed waxay u baahan yihiin cadeyn mustaqbalka De Jong iyo Araujo.
Labada xiddig ayaa sii joogaya kooxda laakiin weli ma aysan kawada hadlin inay saxiixaan qandaraasyo cusub.
Araujo iyo De Jong ayaa qabtay kabtanka labaad iyo seddexaad ee Barcelona.
Araujo weli ma uusan xaqiijin inuu diyaar u yahay inuu sii joogo, inkasto lagu xamanayo u dhaqaaqista kooxda Bayern Munich.
De Jong iyo Araujo labadaba waxay heystaan heshiisyo dhacaya 2026 hadii aysan diyaar u aheyn inay heshiis saxiixan, Barcelona ayaa laga yaabaa inay ka fikirto inay iibiyan xagaaga soo aadan.
Helista saxiixa Kimmmich iyo Tah waxay ku xirantahay bixitaanka De jong Iyo Araujo.
Barcelona ayaa haatan hogaanka u heysa La Liga, iyagoo badiyay dhamaan afartii kulan ee ay ciyaareen ilaa iyo haatan.
Barca ayaa la ciyaareysa Girona isbuucaan.