Mikel Arteta ayaa ku adkeysanaya in Arsenal ay wali halis ka heysato dhanka bidix ee weerarka, iyadoo suurta gal ay tahay in la xoojiyo bisha Janaayo si loo yareeyo culeyska saaran Bukayo Saka.
Gunners ayaa 3-0 kaga badisay Monaco bartamihii isbuuca ka dib qaab ciyaareed kale oo cajiib ah oo uu sameeyay Saka oo laba gool dhaliyay si uu kooxdiisa kaga caawiyo kaalinta saddexaad ee kala sareynta Champions League.
Xiddigtii hore ee Haweenka Arsenal Karen Carney ayaa ku boorisay Gunners inay la soo saxiixdaan weeraryahan cusub, gaar ahaan mid caawin kara Saka.
Garabka bidix ama weerarka dhexe,” waa waxa ay u baahan tahay Gunners, Karen Carney ayaa usheegtay TNT Sports.
Arteta ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in isku dheelitirnaan la’aan kooxdiisa ka jirto isaga oo ku adkaystay in ay dhanka bidix qasab tahay in culeyska badan laga dajiyo Saka.
“Xaqiiqdii taas waan ognahay,” Arteta ayaa ka yiri shirkiisa jaraa’id ee uu qabtay caawa.
Arsenal oo kujirta kaalinta saddexaad ee kala sarreynta Premier League, waxay u baahan tahay saxiixa weeraryahan cusub suuqa January.