Weeraryahanka Inter Miami, Lionel Messi, ayaa amaanay qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Barcelona ee uu hogaamiyo tababaraha cusub ee Hansi Flick.
Barça ayaa badisay 11 ka mid ah 13kii kulan ee furitaanka horyaalka LaLiga ay ka ciyaartay xili ciyaareedkaan.
Catalans ayaa sidoo kale ku guuleysatay seddex ka mid ah afartii kulan oo ay ka ciyaartay tartanka Champions League, sidookale waa gooldhaliyeyaasha ugu sareeya labada tartan.
Messi ayaa la dhacay in Barcelona in ay soo bandhigto xirfado badan oo cajiib ah, iyadoo sideed ka mid ah ciyaartooyda ka qalin jabisay akadeemiyada ay kasoo muuqdeen kulankii El Clásico ee ay 4-0 kaga badiyeen Real Madrid xilli ciyaareedkan.
“Aad ayaan ugu hanweynahay inaan arko sida kooxda koowaad ay ugu tiirsan tahay dhalinyaro tayo leh oo ay kooxdu soo.saartay Messi ayaa u sheegay TV3.
In Barcelona ay waxaan sameyso ma ahan wax cusub tan iyo markii aan imid kooxda anigoo 13 jir ah waxaan marqaati ka ahay in kooxda Catalan ay aheyd mid wax soo saar leh oo fursad siisa dhalinyarada.
Waa wax cajiib ah in dhalinyaradu ay helaan fursado badan labadii sano ee la soo dhaafay, markaad kalsooni ku qabtit kooxdaada tan oo kale way dhacdaa “Messi ayaa yiri.