Arne Slot waxa uu aaminsan yahay in kulanka wareega seddexaad ee FA Cup Liverpool ay la ciyaarayaan Accrington Stanley uu u dareemi doono sida finalka Champions League oo kale.
Reds ayaa sabtida Anfield ku soo dhawaynaysa kooxda ka ciyaarta League Two ee Accrington kulankii ugu horeeya ee labada kooxood taariikhda ku kulmaan tartamada oo dhan.
Kooxda John Doolan ayaa hadda ku jira kaalinta 19-aad ee horyaalkeeda, kaliya Harrogate Town, Morecambe, Tamworth iyo Dagenham ayaa ka hooseeya iyaga oo kujiraa kaalmaha ugu hooseeya kubadda cagta Ingriiska.
Liverpool ayaa markii ugu dambeysay oo laga soo reebay FA Cup wareegiisa seddexaad waxay aheyd xilli ciyaareedkii 2018-19 markaasoo ay wajaheen Wolves.
Arne Slot hadda wuxuu uga digay ciyaartoydiisa inaysan ku mashquulin heerka ay ka ciyaarto iyo darajada ay taagan tahay kooxda ay wajahayaan.
“Waxaan u maleynayaa in koox kasta oo naga hortimaada ay u tahay kulan gaar ah, koox kasta oo aan wajaheyno waxay u ciyaartaa si adag, sidaas darteed waa inaan si adag ushaqeyno,” Slot ayaa yiri.
“Haddii aad ciyaareyso finalka Champions League, qof walba wuu buunbuuniyaa, oo diyaar ayuu u yahay, sidaas oo kale hadda waxaan dareemeyaa inaan ciyaarayo finalka Champions League” Slot ayaa yiri.