William Saliba ayaa dib ugu soo laabtay safka hore ee Arsenal ku wajaheyso Wolves ka dib markii uu dhaawac ku seegay labadii kulan ee ugu dambeysay Gunners.
Arteta ayaa shan isbedel ku sameeyay kooxdii garaacday Dinamo Zagreb Arbacadii, iyadoo macalinka reer Spain uu doortay inuu beddelo kala bar ciyaartoydiisa kulanka Premier League ee Molineux.
Myles Lewis-Skelly ayaa ku soo laabtay daafaca bidix ka dib markii uu seegay kulankii ugu dambeeyay, halka saaxiibkii Ethan Nwaneri uu isna ku jiro lineupka.
Da’yarkaan ayaa kusoo bilowday kulankiisii ugu horeyay tan iyo markii uu gool ka dhaliyay Brighton bilowgii sanadkaan, inkastoo uu ku jiray safkii Dinamo wajahay bartamihii isbuucii hore.
Thomas Partey iyo Leandro Trossard ayaa ah laba ciyaaryahan oo kusoo laabtay safka hore, ka dib markii kursiga keydka la dhigay kulankii Champions League ee Arbacadii.
Labada ciyaaryahan ee Mikel Merino iyo Martin Odegaard ayaa gabi ahaanba seegaya kulankaan, sidaa darteed Gabriel ayaa qaadan doona calaamada kabtanimada, waana markii labaad ee uu xirto kulan Premier League ah.
Kooxda martida loo yahay ayaan waxba is bedel ah ku sameyn shaxdii guuldarada 3-1 ka soo gaartay Chelsea Isniintii.