Mason Greenwood ayaa xul bedelasho sameynaya ka hor tartanka Euro 2024 ka dib markii uu dalab ka helay wadanka uu asal ahaan ka soo jeedo.
Sannado yar ka hor Greenwood waxa uu ka mid ahaa xiddigaha ugu tayada fiican kubada cagta Ingariiska laakiin waxaa ciyaaraha ka mamnuucday Manchester United markii lagu eedeeyay kufsi.
Bishii Febraayo ee sannadkii la soo dhaafay ayay maxkamada laashay dacwadiisa iyadoo laga laabtay eedeymihii loo heystay oo dhan.
Si kastaba, waxaa laga hoorjoogsaday inuu u sii ciyaaro Manchester United isagoo haatan amaah ku jooga kooxda horyaalka La Liga ka dhisan ee Getafe.
Isagoo wacdarro ka dhigay Spain bilihii la soo dhaafay, Greenwood ayaa doonaya inuu ku soo laabto ciyaaraha caalamiga ah.
22 jirkaan ayaan England u ciyaarin tan iyo markii uu u saftay kulankiisii ugu horeysay ee xulka waa weyn bishii Agoosto 2020kii, laakiin waa uu ka laaban karaa go’aankiisa hore, wuxuuna u wareegan karaa xulka Jamaica oo uu asal ahaan ka soo jeedo.
Greenwood ayaa u dheeli kara Jamaica madaama aabihiis uu ku dhashay dalkaas, sharciga FIFA ayaana u ogolaanaya inuu u ciyaaro Jamaica inkastoo uu England u dheelay UEFA Nations League sannadii 2020kii.
Sharciga FIFA ayaa dhigaya in ciyaaryahan uu xul bedelan karo xitaa haddii uu tartan rasmi ah ciyaaray laakiin waa in qodobadaan midkood lagu saleeyo:
- In ciyaaryahanka uu heystay dhalashada xulkiisa cusub markii uu u safanayay xulkiisii hore.
- In ciyaaryahanka uusan ciyaarin wax ka badan seddex kulan oo tartan rasmi ah ka hor inta aysan da’diisa noqonin 21 jir.
- In ciyaaryahanka uusan ka qeyb qaadanin finalka tartan rasmi ah sida Koob Adduun, Qaramada Yurub, Copa America iyo kuwa la midka ah.
- In seddex sannadood ay ka soo wareegtay markii ugu danbeysay ee uu ciyaaryahanka u saftay xulka uu ka tagayo.
Madaama Greenwood uu England u saftay seddex sannadood ka hor, waxa uu u ciyaari karaa xul kale haddii uu doono.