Marcus Rashford ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday codsiga Manchester United ee ku saabsan in uu hoos u dhigo mushaharkiisa kahor inta uusan amaah ugu dhaqaaqin Aston Villa, sida laga soo xigtay The Athletic.
Ciyaaryahanka 27-jirka ah ayaa diyaar u ah inuu ka hoos ciyaaro Unai Emery ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana la filayaa in Villa ay bixiso 75% mushaharkiisa oo ah £325,000 usbuucii, taasoo kordhi karta ilaa 90% iyadoo ku xiran waxqabadka ciyaaryahanka. Kooxda ka dhisan Midlands ayaa si cad u muujisay kalsoonida ay ku qabaan Rashford, iyagoo diyaar u ah inay qaataan masuuliyadda maaliyadeed ee culus.
Sida laga soo xigtay warbixinta The Athletic, Red Devils ayaa soo jeedisay in Rashford uu “qarash gareeyo” qaar ka mid ah mushaharkiisa sare si loo fududeeyo bixitaankiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Rashford ayaa si adag u sheegtay in uu “doonayo in heshiiskiisa la ixtiraamo”. Mushaharkan sare ayey ka carareen kooxo badan oo doonayay ciyaaryahanka, oo ay ku jiraan Barcelona, laakiin Aston Villa ayaa ogolaatay dalab amaah ah oo leh ikhtiyaar iibsi ah oo qiimihiisu yahay £40 milyan oo ginni, kaasoo la aqbalay dhamaadka suuqa kala iibsiga.