Marcus Rashford ma uusan ciyaarin ku dhowaad laba bilood ka hor inta uusan Axadii kulankiisii ugu horreeyay u safan Aston Villa, halkaas oo taageerayaashu si diirran usoo dhaweeyeen laacibka amaahda uga yimid Manchester United.
Rashford ayaa muujiyay sida uu uga mahadcelinayo soo dhaweyntii ay u sameeyeen taageerayaasha Villa Park.
Xiddigii hore ee Manchester United ayaa Axadii saftay kulankiisii ugu horreeyay, iyadoo kooxdiisa cusub ay garaacday Tottenham tartanka FA Cup. Tababaraha Villa Unai Emery ayaa doorbiday inuu keydka geliyo, ka hor inta uusan soo gelin qeybta labaad, iyadoo taageerayaashu si farxad leh u sacbiyeen markii uu garoonka soo galay.
Rashford ayaan ciyaarin muddo 59 maalmood maadaama laga soo saaray safka koowaad ee Manchester United. Ruben Amorim ayaa keydka dhigay bishii December bartamaheeda, wuxuuna caddeeyay inuusan qorshihiisa ka mid ahayn. Rashford-na wuxuu cadeeyay inuu doonayo caqabad cusub.
Xiddiga reer England ayaa ciyaarta soo galay daqiiqadii 65-aad, wuxuuna kubadda taabtay 22 jeer intii lagu guda jiray kulanka. Kaddib guusha, Rashford ayaa bartiisa Instagram soo dhigay fariin gaaban oo uu ugu mahadcelinayo taageerayaashiisa cusub.
“Waan ku faraxsanahay inaan kamid noqdo koox sidan oo kale ah,waxaan rajeynayaa inaan halkaan ku helo xassilooni iyo farxad”