Marcus Rashford ayaa aamusnaantii ka baxay ka dib markii si lama filaan ah looga reebay liiska ciyaartoyda xulka England ee koobka Qaramada Yurub ee 2024.
Rashford ayaan lagu soo darin liiska hordhaca ah ee 33da ciyaartooy ee uu tababare Southgate u soo xushay koobka Euro 2024.
Liiskaan ayaa ugu danbeyn noqon doona 26 ciyaartooy iyadoo la sii reebi doono todoba ciyaaryahan oo haatan loo soo yeeray.
20 daqiiqo ka dib markii ay FA-ga shaaciyeen liiska ciyaartoyda uu u soo yeertay tababare Gareth Southgate, 26 jirkaan ayaa warbixin soo saaray.
Laakiin weeraryahanka ma uusan muujinin inuu ka careysan yahay in laga reebay xulka England taas bedelkeeda wuxuu doortay inuu fariin taageero ah u diro tababaraha iyo ciyaartooyda la xushay.
Waxa uu bogiisa Instagram ku soo qoray: “Waxaan u rajeynayaan Gareth iyo dhamaan ciyaartoyda wanaag oo dhan koobka soo socda.”
Rashford ayaa si joogta ah uga mid ahaa xulka England tan iyo markii uu Southagate shaqada tababaraha ka bedelay Roy Hodgson bishii November 2016kii.
Laakiin xilli ciyaareed fashil ah oo soo maraya isaga iyo kooxdiisa Man United ayaa keentay inuu waayo booskiisa xulka Ingariiska ee ciyaaraha Qaramada Yurub.
Gareth Southgate ayaa sheegay inaysan aheyn go’aan sahlan inuu ka soo tago Marcus Rashford isagoo yiri:
“Dabcan go’aanadaan ma ahan kuwa sahlan. Waxaan ka hadleynaa ciyaartooy aad u muhiim ah.
“Marcus Rashford booska uu ka ciyaaro waxaan dareemay inay jiraan ciyaartooy kale oo ka xilli ciyaareed fiicnaa isaga, waana wax sidaas u sahlan.”