Real Madrid halyeeygooda Marcelo ayaa ka digay in kooxda la dhayalsado, inkastoo ay 3-0 ku khasaartay lugtii hore ee wareega siddeeda Champions League ee ay la ciyaareen Arsenal. Marcelo wuxuu sheegay in Real Madrid aysan waligeed la harin rajo, isla markaana ay awood u leedahay inay sameyso soo laabasho cajiib ah, gaar ahaan marka lagu ciyaarayo garoonkooda Bernabéu.
Marcelo ayaa sheegay in taageerayaashu ay door weyn ka ciyaari doonaan lugta labaad, isla markaana ciyaartoyda Madrid ay haystaan kalsooni buuxda in ay wax walba u beddeli karaan. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Real Madrid ay leedahay taariikh ay marar badan kasoo kabsatay xaalado adag, taasoo ka dhigtay koox aan si sahal ah looga saari karin tartanka.
Isagoo ka hadlayay dhaqanka kooxda, Marcelo wuxuu tilmaamay in guusha iyo is-dhiib la’aanta la baro ciyaartoyda Madrid marka ay kooxda ku biiraan. Wuxuu sheegay in ka sokow hidaha guusha, dadaal joogto ah, is-hoosaysiin, iyo taageerada jamaahiirta ay door weyn ku leeyihiin guulaha kooxda.
Inkasta oo Real Madrid aysan weligeed kasoo noqon guuldarro 3-0 ah oo lugta hore ah, kooxda Ancelotti waxay leedahay taariikh ah sameynta soo laabashooyin mucjiso ah, sida dhacday sanadkii 2022 oo ay labo gool waqtigii dhimashada ku reebtay Manchester City. Marcelo ayaa ku adkeystay in Real Madrid la rumeysan karo mar walba, maadaama ay awood u leedahay wax kasta.