Tababaraha cusub ee Manchester United, Ruben Amorim ayaa shaaca ka qaaday in Red Devils ay diiday dalabkiisii ahaa inuu kusoo biiro kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Man United waxa ay Sporting siisay adduun dhan 10.6 milyan oo ginni si ay u magacawdo Portuguese-ka aadka loo qiimeeyo.
Amorim ayaa xilka Man United la wareegi doona 11-ka November marka laga soo laabto waajibaadka xulalka.
Kulankiisa ugu horeeya ee uu hogaamiyo kooxda ka ciyaarta Premier League waxa uu la ciyaari doonaa Ipswich 24ka November.
Si kastaba ha ahaatee, Amorim ayaa haatan daaha ka qaaday in Man United ay diiday inuu ku biiro kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.
“Waxaan waydiistay Man United hadii aan ku biiri karo dhamaadka xilli ciyaareedka” ayuu yiri Amorim sida laga soo xigtay Fabrizio Romano.
Waxay ahayd waxa aan doonayay aniga ahaan. laakiin Man United waxa ay diiday dalabkeyga. Hadda waxaa la isku raacay in la joojiyo qandaraaskeygii Sporting CP ayuu yiri tababaraha cusub ee Man Utd .