Manchester United ayaa la sheegayaa inay ka shaqeynayaan heshiis ay kula soo wareegayaan khadka dhexe ee Barcelona, Frenkie de Jong, kadib markii uu go’aansaday inuu ka tago kooxda, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.
Ciyaaryahanka reer Netherlands, oo 27 jir ah, ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahaa United tan iyo markii Erik Ten Hag uu noqday tababaraha kooxda. Saddex xagaayood oo xiriir ah ayaa lagu soo waramayaa inay socdeen wadahadallo ku saabsan suurtagalnimada uu ugu wareegi karo Old Trafford.
Si kastaba ha ahaatee, De Jong ayaa mar walba door bidayay inuu sii joogo Nou Camp. Hase yeeshee, xilli ciyaareedkan wuxuu ka baxay qorshaha tababare Hansi Flick, iyadoo dhaawacyadu ay sidoo kale caqabad ku noqdeen ciyaaryahankii hore ee Ajax.
Inkasta oo Erik Ten Hag uu ka tagay Old Trafford bishii hore, Manchester United waxay weli xiiso u qabtaa saxiixa De Jong. Sida lagu sheegay warbixinta, kooxda ayaa hadda si firfircoon uga shaqeyneysa heshiiska si ay u keento ciyaariyahanka khadka dhexe horyaalka Premier League.
Chelsea, Bayern Munich, iyo Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan ciyaaryahanka, kaasoo hadda go’aansaday inuu ka tago Barcelona, iyadoo kooxda reer Spain-na ay diyaar u tahay inay u ogolaato inuu baxo.