Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay Napoli u soo bandhigto labada ciyaaryahan ee Darwin Nunez iyo Federico Chiesa si ay qayb uga noqdaan dalab is dhaafsi ah oo ay ku doonayaan Khvicha Kvaratskhelia. (Rousing The Kop)
Bayern Munich ayaa xiisaynaysa in ay Real Madrid kula tartanto saxiixa daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold, laakiin xiddiga reer England ayaan ku fikireyn u dhaqaaqista Bundesliga. (TEAMtalk)
Afarta ciyaaryahan ee Bournemouth Illia Zabarnyi, Milos Kerkez, Dean Huijsen iyo Antoine Semenyo ayaa dhamaantood waxaa isha ku haya Chelsea, Liverpool iyo Newcastle United. (The i Paper)
Kooxda Aston Villa ayaa wax ka waydiisay kooxaha Arsenal,Chelsea,Barcelona,Bayern Munich iyo Napoli qorshaha ay January ku doonayaan weeraryahankooda Jhon Duran kaas oo sidoo kale xiiso ka heysta Paris Saint-Germain (CaughtOffside).
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Davide Frattesi ayaa bartilmaameed muhiim ah u ah Tottenham Hotspur, oo rajeyneysa in hoos loo dhigo qiimaha 45 milyan oo euro oo kooxdiisa dooneyso (Tuttomercatoweb – Italy
Indho-indheeyeyaal ka socda Spurs ayaa sidoo kale loo diray Faransiiska si ay u hubiyaan qorshaha ay kula wareegi karaan weeraryahanka PSG Randal Kolo Muani, khadka dhexe ee Lens Andy Diouf iyo xiddiga Lille Angel Gomes. (Dean Jones)
Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Sporting CP Conrad Harder. 19-sano jirkaan ayaa sidoo kale waxaa isha ku haya Arsenal iyo West Ham United. (TBR Football)
Barcelona waxay dejisay qorshe ay kula wareegto garabka AC Milan ee Rafael Leao, waxaana laga yaabaa inay dalab isku bedelasho ah oo uu qeyb ka yahay daafaca dhexe ee Andreas Christensen u bandhigaan kooxda Talyaaniga. (El Nacional – Spain)
Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay dalab 40 milyan ginni ah ka gudbiso xiddiga Brentford Bryan Mbeumo oo bartilmaameed u ahaa Arsenal iyo Newcastle (Daily Star)
Chelsea ayaa liiska dooqyadeeda bisha Janaayo ku dartay daafaca bidix ee kooxda PSG Nuno Mendes, kaasoo diirada u saaran Manchester United. (Simon Phillips)
Manchester City ayaa dalab ka heshay Borussia Dortmund kaasoo ku socda da’yarka Max Alleyne. (Fabrizio Romano)