Enzo Maresca wuxuu sheegay in ceyrinta Erik ten Hag ay Manchester United ka dhigeyso mid ay adag tahay in laga badiyo.
Tababaraha Chelsea ayaa ka digay in ciyaartooyda United ay falcelin dhegahadal ah ka bixiyaan ceyrintii Ten hag.
Enzo Maresca ayaa ku adkeysanaya in Old Trafford aysan lumin cabsida ay laheyd sanado ka hor, inkastoo Manchester United ay hoos u dhacday – wuxuuna uga digay kooxdiisa Chelsea caqabadaha kaga iman kara in guul lagu gaaro halkaas toddobaadkan maaddaama Erik ten Hag la ceyriyay.
Maresca ayaa kooxdiisa oo ku jirta kaalinta shanaad Premier League booqanay Manchester Axadda, isagoo raadinaya inuu sii wado bilowga wanaagsan ee xilli ciyaareedkan, iyada oo kaliya laga badiyay ciyaarahii Man City iyo Liverpool.
“Marka aad tababare beddesho, had iyo jeer ciyaaraha ugu horreeya, laba, saddex, waxaad arkeysaa jawaabta ciyaartoyda,” ayuu ku daray. “Marka, wey adag tahay inaan guuleysanno]. Laakiin si kasta oo ay tahay waa ciyaar adag.”
Chelsea kuma aysan guuleysan kulan Premier League oo ka dhacday Old Trafford in ka badan toban sano, tan iyo guushii 1-0 ee bishii May 2013, xilligii Sir Alex Ferguson uu wali tababare u ahaa kooxda martida loo ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, United ayaa ku jirta qaab-ciyaareedkii ugu xumaa abid.United ayaa guuldarro la kulantay sagaal jeer garoonkooda tartamada oo dhan, taasoo ka dhigan in kan uu noqonayo rikoorkii ugu xumaa ee 50 sano ee lasoo dhaafay. Waxay xilli ciyaareedkan guuldareysteen laba jeer kulamadii horyaalka ee ka dhanka ahaa Liverpool iyo Tottenham.