Manchester United ayaa horay u ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres xagaaga ka dib markii kooxda reer Portugal ay ogolaatay inay hoos u dhigto qiimahiisa (Fichajes – Spain)
Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaan weli ka rajo dhigin saxiixa Gyokeres, waxayna u soo bandhigtay weeraryahan Vitor Roque qayb ka mid ah heshiiska ay ku qaadaneyso. (El Nacional – Spain)
Chelsea ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato labada xiddig ee Nico Williams iyo daafaca dhexe ee Bournemouth Dean Huijsen xagaagan. (TEAMtalk)
Haddii Arsenal ay lumiso daafaca dhexe ee William Saliba oo lala xiriirinayo Real Madrid, waxay raadin doonaan inay ku bedelaan daafaca Crystal Palace Marc Guehi. (Football Insider)
Man Utd, AC Milan iyo Aston Villa ayaa baadi goobaya heshiisyo ay kula soo wareegayaan daafaca dambeedka midig ee Al Hilal Joao Cancelo. (Fichajes – Spain)
Barcelona ayaa si buuxda u doonaysa weeraryahanka Newcastle United Alexander Isak kaas oo lagu qiimeeyo 75 milyan oo euro (El Chiringuito – Spain)
Inkastoo ay xiiso u qabaan labada kooxood ee Arsenal iyo Chelsea, Isak ayaa qalbigiisa waxaa kujira inuu ku laabto La Liga, waxaana uu doorbidayaa inuu u wareego Barcelona. (El Nacional – Spain)
Weeraryahanka RB Leipzig Benjamin Sesko ayaa door bidaya inuu u dhaqaaqo Arsenal xagaagan, iyadoo Gunners ay fursad u heysato saxiixiisa. (Caughtoffside)
Tottenham Hotspur ayaa ka fiirsaneysa inay iska dirto kabtanka Son Heung-min dhamaadka xilli ciyaareedkan. (GIVEMESPORT)
Al Hilal ayaa kala hadlay Liverpool saxiixa Mohamed Salah ka hor inta uusan dhicin qandaraaskiisa xagaagan, marka hore kordhin waayo. (GIVEMESPORT)