Labadii sano ee uu joogay Allianz Arena, De Ligt waxa uu nasiib u yeeshay inuu kusoo bilowdo 61 kulan iyo 12 badel uu ku soo galay tartamada oo dhan.
Netherlands-ka ayaa imika ku qiimeysan £65.6m,
Bayern ayaa qudheeda dooneysa inay iska fasaxdo oo aysan qasbinba hadiiba uu daafaco daneenayo inuu baxo.
Macalinka cusub ee Bavarianka Vincent Kompany wuxuu heeysta qaabab kala duwan uu ku ciyaarsin karo waa hadii uu rabo.
24-sano jirkan awood ayuu u leeyahay inuu ciyaaro eddex ama afar gadaal ah, balse waxay u muuqataa inay u badan tahay in la iibin doono inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
48-kii saac ee la soo dhaafay tababaraha United Erik ten Hag ayaa darsay suurtagalnimada uu Old Trafford ku imaan laha De Ligt.
Ten Hag ayaa Ciyaaryahankii hore ee Ajax u arka nuu yahay bartilmaameedka uu doorbidayo ee daafaca dhexe.
Ten Hag Iyo De Ligt ma ahan kuwo qariib isku ah balse waxay ka soo wada shaqeeyeen kooxda reer Holland Ajax, iyadoo inay dib u midooban ay hadda u muuqato mid aad u badan oo kaliya ay tahay in lesku fahmo qiimaha iyo lacagta xiddiga.
United ayaa horeba la sheegay inay miiska u saartay ciyaaryahanka qandaraas shan sanno ah oo ay ku doonayso De Ligt.
Shayaadhinta Cas Cas waxaa ka go’an inay isbedel weyn sameeyso oo ay xoojiso daafaceeda iyadoo sidoo kale kor loo qaadayo tayada naadiga.
Sida hadaba ay wararka sheegayan United ayaa loo sheegay inay ku qasban tahay inay bixiso € 50 Milyan haddii ay rabaan inay dhamaystiraan heshiiska.
Sida uu xaalku yahay, ma jiro dalab rasmi ah oo ay soo jeedisay kooxda Premier League, inkastoo ay u badan tahay inuu soo baxo marka loo eego rabitaankooda ku aaddan inay ku guuleystaan tartanka saxiixiisa.
Inkastoo aysan ahayn wax qarsoodi ah in United ay suuqa ugu jirto ugu yaraan hal daafac dhexe oo cusub xagaagan, waxay u muuqataa inay jiraan xaddidaadyo ku saabsan waxa ay diyaar u yihiin inay qarash gareeyaan.