Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay tartanka looga jiro saxiixa daafaca bidix ee Ferdi Kadioglu oo ka tirsan Fenerbahce.
Ka dib xilli ciyaareedkii 2023-24 oo aad u liidatay, xoojinta booska dambeedka bidix ayaa la rumeysan yahay inay tahay mudnaanta Man United inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Xilli ciyaareedkii hore, kooxda ayaa wajahday caqabado waaweyn, sababa la xiriira maqnaanshiyaha Luke Shaw iyo Tyrell Malacia, oo labaduba dhaawacyo ku maqnaayeen.
Shaw kaliya 12 kulan oo Premier League ah ayuu u saftay United xilli ciyaareedkii hore, halka Malacia uu gabi ahaanba awoodi waayay inuu ciyaaro sababtoo ah dhaawac jilibka ah oo soo gaaray ka hor inta uusan xilli ciyaareedka bilaaban.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa weli ku socda wadada soo kabashada, welina dib uma bilaabin tababarka kooxda koowaad, iyadoo aan la xaqiijin waqti go’an ee ku saabsan soo laabashadiisa.
Sida laga soo xigtay The Mirror, United ayaa haatan qarka u saaran inay sare u qaaddo xiisaha ay u qabto Kadioglu, waxaana ay diyaar u tahay inay la tartanto kooxaha Gunners iyo BVB si ay u helaan adeegiisa xagaagan.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Man United aysan wali la xiriirin Fenerbahce oo ku aadan heshiis macquul ah oo ay ku heli karto xiddiga heerka caalami ee dalka Turkiga, hadana waxay balan qaadeen inay la kulmaayaan wakiilada ciyaaryahanka maalmaha soo socda.
Waxaa la fahamsan yahay in kooxda Jose Mourinho ay ku raadineyso adduun dhan 25.3 milyan oo ginni.
Haddii Fenerbahce ay helaan wax ku dhow qiimaha ay ku doonayan ciyaaryahankooda, waxay uga dhigantahay faa’iido weyn kooxda, iyagoo kaliya ku qarash gareeyay £ 1.1 milyan iyagoo sanadii 2018kii kasoo iibsaday Istanbul NEC Nijmegen.
Qiimaha Kadioglu ayaa si weyn kor ugu kacay muddooyinkii ugu dambeeyay.
Dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2020-21, qiimahiisa waxaa lagu qiyaasay inuu ahaa £3.5 milyan, 12 bilood gudahood, ka dib markii uu ka qeyb galay 38 ciyaarood oo tartamada oo dhan ah, qiimeyntaas ayaa labanlaabantay oo gaartat £8.8 milyan.
Bilowgii xilli ciyaareedkii hore, qiimihiisu wuxuu gaaray £14.4 milyan.
Xiisaha Kadioglu ayaa si aad ah kor ugu kacay tan iyo bilowgii Euro 2024, iyadoo 24 jirku uu soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan.
Daafaca ayaa xulkiisa ka caawiyay in ay u soo gudbaan wareega 8-aad ee tartanka isaga oo laba guul la gaadhay heerkii Group-yada ka hor inta ayna guul la taaban karo ka gaadhin Ralf Rangnick xulkiisa ee Austria wareega 16-ka.