Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa mar horeba diyaar u noqotay inay iibiso mid ka mid ah saxeexyadeedii abid ugu fiicnaa oo kaliya cimrigiisa Etihad Stadium uu kusoo dhamaanayo sannad gudihii, kaddib guul-darradii finalka FA Cup oo ay Man United 2-1 kaga qaadday koobka.
Man City oo sannadkii afraad oo xidhiidh ah ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa la sheegay inay ku qasban tahay inay samayso isbeddello marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, waxaana meesha laga saari doonaa ciyaaryahannada qaarkood halka kuwo kalena uu Guardiola isku xoojin doono.
Wariyaha ciyaaraha ee Graeme Bailey ayaa sheegay in Manchester City ay isku diyaarinayso inay iibiso mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnayd ee ay la saxeexato laakiin aan wax fursad ah la siinin oo sannad uu joogay Etihad Stadium ku dhamaystay kursiga kaydka.
Khadka dhexe ee reer Portugal ee Matheus Nunes oo ay Manchester City £53 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Wovles xagaagii hore, ayaa Pep Guardiola uu geliyey kaydka isaga oo safay 28 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu intooda badan beddel kusoo galay, waxaana horyaalka Premier League ahaa 17 ciyaarood oo kaliya.
Matheus Nunes oo markii ay Man City lasoo wareegaysay ay saxeexiisa ku garaacday kooxo waaweyn oo beddel beddel kusoo galay ciyaartii guul-darrada ee finalka FA Cup, ayaa waxa kaliya oo uu kusoo bilowday toddoba ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo aanu intooda badan dhamaysanin.
25 jirjkan oo waqtigii ay City la saxeexatay ay doonayeen kooxaha Bayern Munich iyo PSG ayaa hadda la dhigayaa suuqa iibka ciyaartoyda oo cimrigiisa Etihad Stadium uu kusoo dhamaanayaa 12 bilood.